3345 Views

Madaxweyne Xasan “Macquul ma ahan in 10 san oo kale ay AMISOM sii joogto Soomaaliya”

Madaxweyne Xasan “Macquul ma ahan in 10 san oo kale ay AMISOM sii joogto Soomaaliya”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 22, 2016Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxmuud ayaa sheegay in ciidamada AMİSOM ay door weyn ka ciyaareen horumarka xaga amaanka Soomaaliya mudada ay joogeen balse aysan dadka Soomaaliyeed rabin in wadanka ay mudo kale oo badan ay baaqi kusii ahaadaan.

Mudane Xasan Sheikh ayaa hadalkaan sheegay mar uu ka jawaab celinayey su,aal Arbacadi la weydiyey isaga oo jooga xarunta Machadaka Nabada ee Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka. Su,aasha oo aheyd sida uu u arko Midowga Yurub oo yareynayo taageerada uu siiyo AMİSOM ayuu madaxweynaha sheegay in markaan la gaaray xilligi la taageeri lahaa ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

‘’AMISOM waxay dalka yimaadeen sanadki 2007, sanadka danbe waxaa u buuxsameysa sanadkoodii 10-aad. Mudada ay joogeen waxaa dalka ka qabsoomay wax badan sida federaalka oo la dhaqangeliyey, dastuurka dalka oo la qoray iyo doorashadi wadanka ka dhacday iyo tan sanadaakn dhici doonta oo ay amaanka door ka ciyaari doonaan. Suurtagal ma ahan marka in 10-sano oo kale ay nala sii joogaan maxaa yeelay waxaan rabnaa in ay noo badalaan ciidamadeena qaranka.’’ Ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aduunka uu markaan ku daalay taageerida AMİSOM, sidaasi daraadeedna hada la joogo waqtigii qalab ahaan iyo dhaqaala ahaan uu caalamka ka caawin lahaa ciidanka qalabka sida iyo hey’adaha amaanka Soomaaliya.

Wuxuu kale uu xusay in hada ay dalka ka socdaan wadatashiyo iyo dadaalo lagu xoojinayo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya si ay ula wareegaan guud ahaan amaanka dalka oo hadda intiisa badan ku tiirsan ciidamada ka socda Midowga Africa.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladiisa ay xooga saartay ka miradhalinta dib u heshiisiinta iyo sidi loo dhayi lahaa boogaha iyo dhaawacyada soo kala gaaray umada Soomaaliyeed dagaaladi sokeeya ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha oo maalmahan ku sugan dalka Mareykanka ayaa maanta oo Jimca ah magaalada New York uga qeybgalayo shir ay madaxda aduunka ku saxiixi doonaan heshiiska wax ka qabashada cimilada aduunka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment