3336 Views

Wasaaradda Haweenka oo qabatay kulan looga hadlayay xuquuqul insaanka

Wasaaradda Haweenka oo qabatay kulan looga hadlayay xuquuqul insaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 22, 2016Shirkaan oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha lamaha amniga iyo madaxda Wasaaradda haweenka ayaa looga hadlay talo soo jeedintii labaad ee dib u eegista xuquuqul insaanka caalamka oo sannadkaan diyaarisay Soomaaliya.

Axmed Cabdi Cumar Agaasinka Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay qodobada ugu muhiimsan ee kulankaan looga hadlay iyo arrimaha ugu badan ee talo soo jeedinta laga sameeyay oo uu tilmaamay inay qaadanayaan.

Xubnihii kulanka joogay ayaa si wanaagsan uga dooday talo soojeedintaan xuquuqul insaanka caalamka, iyagoo isku qeybiyay koox koox si ay uga hadlaan arrintaan.

Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Soomaaliya sannadkaan heerkii ugu wanaagsanaa ay ka gaartay arrimaha xuquuqul insaankaka wasaarad ayna waxbadan ka qabteen u doodista xuquuqul insaanka.

Inkastoo ay dhacaan dhibaaatooyin la xiriira  xuququl Insaanka ayaa haddana Wasaaradda Haweenka waxa ay dadaal dheeri ah ugu jirtaa sameynta sharciyo adag oo dhanka xuququl insaanka lagu ilaalinayo si wadanka dhankaas looga hormariyo.

vlcsnap-2016-04-21-20h39m09s146vlcsnap-2016-04-21-20h40m00s135vlcsnap-2016-04-21-20h40m10s233vlcsnap-2016-04-21-20h40m32s214hh

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment