3150 Views

Baarlamaanka oo ka doodaya mooshinki shirka Jowhar

Baarlamaanka oo ka doodaya mooshinki shirka Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 23, 2016Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale lagu wadaa inay ka doodaan mooshinka laga keenay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.

Shirki ugu dambeeyay ee Baarlamaanka ayaa buuq ku dhamaaday, markii Xildhibaanada ay ku kala qeybsameen mooshinka lagu soo daro ajandaha iyo in aan lagu soo darin, waxaana markii uu buuqaas xoogeystay la soo xiray kulanka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa isku dayaya inuu wada hadal ku dhameeyo mooshinka laga soo gudbiyay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana uu kulamo la qaatay labada dhinac ee Xildhibaanada.

Waxaa la sheegay in xalay Guddoonka la kulmay Guddiyo ay iska soo saareen Xildhibaanada mooshinka keenay iyo Xildhibaanada mooshinka diidan, iyadoo la isku afgartay in la qaboojiyo xamaasada ka dhalatay mooshinka Jowhar.

 

Xildhibaanada diidan mooshinka ayaa ku doodaya in aan mooshinka sharci aheyn, isla markaana dastuurka waafaqsaneyn in dib loo dhigo shirka dhismaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ajandaha kulanka maanta ayaa qeyb ka noqon doona mooshinkan, waxaana Xildhibaanada keenay mooshinkan ay dadaal ugu jiraan sidii shirka Jowhar loo hakin lahaa, in kasto ay cadahay in aysan u suurta gelayn.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment