3849 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inay ogaayeen xogta gaarigii qaraxa siday ee shalay la qabtay

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inay ogaayeen xogta gaarigii qaraxa siday ee shalay la qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 23, 2016Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wax k ogaayeen xogta labo gaari oo midkood laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo shalay Ciidamada NISA ku qabteen agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley.

Maxamed Axmed Diiriye, Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in maalmo la daba joogay gaadiidkan, isla markaana la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka, isagoo bogaadiyay Ciidamada NISA.

“Xogta gaarigan waa la hayay, waxaana xogta wadaagayay NISA iyo Maamulka Gobolka Banaadir, marka gaariga la qabanayay, maanta kaliya laguma baraarugin, maalmo la daba socday, waxaa hey’adda Nabadsugida gacanta ku hayaan dadkii ku lugta lahaa falkan, baaritaan ku socda, dib ayaana laga soo sheegayaa”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in markii inta badan gaariga laga fur furiyay qaraxa, meel kale oo qarax lagu qariyay ay qaraxday, isla markaana labo qof oo mid ka mid ah Khubaradii miini baarista uu dhaawac ka soo gaaray.

Sidoo kale waxaa gaadiidka qarxay ku dhaawacmay Sawir qaade ka tirsan Telefishinka SNTV oo lagu magacaabo Fahad Cabdi Gaas, kaasoo duubayay intii ay socotay howsha kala fur furida gaariga qarxay, waxaana soo gaaray dhaawac fudud.

Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in howl galadii u dambeeyay ee laga sameeyay magaalada Muqdisho ay aheyd xog ay keenayeen shacabka, isla markaana ay ogaadeen in wax kasta oo ay keenayeen in wax laga qabanayay sida uu yiri.

Ciidamada NISA ayaa hareereeyay labada gaari, ka hor inta aanu bartilmaameedkii la rabay gaarin, waxaana la sheegay in la doonayay in lagu qarxiyo maqaayad ku taal KM5.

Maalmihii u dambeeyay Ciidamada ammaanka ayaa sameeyay howl galo dhowr ah oo lagu qabtay gaadiid waxyaabaha qarxa siday, inkastoo qaraxyo ay dhacayeen, kuwooda ugu badan lagu bartilmaameedsanayay maqaayado ku yaala magaalada Muqdisho gudaheeda iyo hareeraheeda intaba.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment