5049 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay doorashada iyo xiriirka Ruushka

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay doorashada iyo xiriirka Ruushka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 23, 2016Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Arrimaha Wabiga Shabeelle, doorashada iyo socdaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Dalka uu ku joogo Dalka Ruushka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA isla markaana ka hadlayay webi shabeelle ayaa tilmaamay in ay jirto xeerar caalami ah oo aan suurta gelin karin in Ethiopia ay xirato biyaha webiga Shabeelle, waxaana uu intaa ku daray inaysan ka fileyn dowladda Ethiopia inay xiraneyso biyaha webiga in kastoo wax la sheeg-sheegay.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xiriirka dowlada ay la yeelaneyso dowladda Ruushka iyo socdaalka uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tegay dalkaasi ayaa tilmaamay in dowladda ay xiriir soo jireen ah la lahayd Ruushka, isla markaana ay dowladda markale soo ceshaneyso, ujeedkuna aysan ahayn in dowlad kale lagu dulminayo, madaaama ay dowladda Ruushka ay lacago ku leedahay Soomaaliya oo horay looga qabay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka uu meel wanaagsan marayo, isla markaana ay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dib u dhiska ciidanka, waxaana uu Madaxweynuhu intaa ku daray inay sii xoojinayaan xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay weli isticmaaleyso hanaanka doorasho ee 4.5 ku saleysan ee ah habka qabiilka, waxaana uu intaa raaciyay in xuquuqda haweenku aysan noqon doonin mid la duudsiiyo oo ay heli doonaan waxa ay xaqa u leeyihiin, isla markaana waajibkooda ay gutaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment