3099 Views

“Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka sugeynaa 26 bishan inuu keeno qaabkii doorashada lagu geli lahaa”

“Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka sugeynaa 26 bishan inuu keeno qaabkii doorashada lagu geli lahaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 23, 2016Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya  ayaa sheegay in maalmaha soo socda Baarlamaanka la horkeeni doono war murtiyeedkii lagu heshiiyay ee ka soo baxay shirkii Madasha wada tashiga qaran ee 12-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij dood wadaag ah oo ka baxay raadiyaha iyo Telefishinka dowladda, isagoo xusay in heshiiskan oo ahaa go’aan siyaasadeed oo ay gaareen madaxda ay aheyd in Ra’iisul Wasaaraha uu keeno 15-kii bishan, balse howlo shaqo awgeed uu dib u dhacay, balse hadda laga sugaayo.

“War murtiyeedkii la gaaray waa go’aan siyaasadeed oo u baahan in la sharciyeeyo, waxaan ka sugeynaa Ra’iisul Wasaaraha inuu noo keeno 26-ka bishan”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Mudane Jawaari ayaa sidoo kale xusay in Ra’iisul Wasaaraha laga sugayo qaabkii doorashada lagu geli lahaa, si loo sharciyeeyo, waxaana uu xusay maadaama aanay dhaceyn doorasho hal qof iyo hal cod, balse ay tahay mid dadban oo dad kala duwan oo bulshada ka imaanaya ay soo xulayaan xubnihii wax dooran lahaa.

Waxaa uu sheegay in laga hadli doono hadii dastuurka wax laga bedeliyo iyo in sharci gaar ah loo sameynayo doorashooyinka soo socda.

Heshiiskii Madaxda Soomaalida ku gaareen magaalada Muqdisho ayaa dhigayay in 50-xubnood ay soo xulaan Xildhibaanada Aqalka hoose, waxaana la tagi doonaa magaalooyinka maamul goboleedyada, halkaasoo laga soo xuli doono Xildhibaanada.

Hase ahaatee arrinta ugu muhiimsan ayaa ah talada ugu dambeysa oo ay Madaxda maamul goboleedyada ku lahaan doonaan, taasoo ah in marka ugu dambeysa ee saxiixa shaqsiga la soo xulay ay iyagu leeyihiin, waxaana loo arkaa in cida ay doonayaan inay soo qoran karaan, marka meeshaas ayey arrintu la’adahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment