6156 Views

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo heshiis la galay dhigiisa dalka Masar

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo heshiis la galay dhigiisa dalka Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 23, 2016Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federalka Somalia Cabdrashiid Maxamed Axmed oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku jooga  magaalada Qaahira ee Dalkani Masar ayaa madaxda dalkaasi la galay heshiis xagga ganacsiga ah.

Booqashadaan ayaa eheyd mid lagu xoojinayo xariirka ganacsi ee u dhaxeeya lawada dowladood Masar iyo Soomaaliya,waxana ku wehliyaan Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Khaalid Cumar Cali iyo xubno kale

Wasiirka ayaa iyo dhigiisa Masar Muhandis Dhaariq Nabiil waxa ay wada saxiixdeen heshiis qodobo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaysa, taasoo wax ku ool u ah labada dowladood Soomaaliya iyo Masar.

Wasiirka ganacsiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Dowlada Masar iyo Xoghaya Jaamacadda Carabta, taasoo lagu sii xoojinayay xariirka labada dowladood, isla markaana ugu mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha badan oo ay u fidiyeen asaga iyo wafdiga la socday.

Wasiirka gancsiga ayaa u mahad celiyay diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaliyeed ee dalka Masar oo ugu horeeyo siihaayaha Safaaradda Ilyaas Sheekh Cumar oo had iyo jeer ku howlan xoojinta xiirika labada dowladood.

Hashiiskaan ay wada saxiixdeen labada Wasiir ee Masar iyo Soomaaliya ayaa la filaayaa inuu wax ka badali doono hab u socdka kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta dalka oo  ay ku talaabsaneyso dowladda Faderaalka Soomaaliya sanadaha soo socda.

IMG_1839IMG_1840IMG_1844 (1)IMG_1845

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment