3231 Views

Golaha ammaanka ee Q. M. oo ku amaanay Dowlada Soomaaliya horumarka ay gaartay.

Golaha ammaanka ee Q. M. oo ku amaanay Dowlada Soomaaliya horumarka ay gaartay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 24, 2016Golaha ammaanka ee Q. M. ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda federaalka Soomaaliya ku amaanay horumarka siyaasadeed ay gaartay Afartii sano ee an soo dhaafnay.

Warbixin uu golaha ka soo saaray kulan uu 19-kii bishan warbixin uga dhageystay madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud, ayuu si gaar ah ugu bogaadiyey heshiiska laga gaaray nooca doorashada Soomaaliya ee 2016-ka, taasi oo goluhu sheegay inay u gogol xaari doonto doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda 2020-ka

Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay baarlamanka Soomaaliya in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyo heshiika ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran si howsha u socoto.

Golaha Ammaanka ayaa dib ugu celiyey inay filayaan in wax waqti kordhin ah aan loo sameyn dowladda Soomaaliya ee iminka jira, wuxuuse goluhu walaac ka muuiyey xaaladda amni ee Soomaaliya oo an adkeyn oo wax kasta laga filan karo.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa qoraalkooda ku cambaareeyey weerarada Al-Shabaab iyo qorashada kooxdaas ee caruurta, ayaga oo ku ammaanay ciidamada AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya inay yareeyeen halista kooxdan.

Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimaadda in lasii wado howlgallada AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo la waafajinayo xeerka caalamiga ah ee dhowrista shacabka iyo xuquuqda aadanaha, taasoo beryaanba socotay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment