7491 Views

HOOYO, NIMAAD DHASHAY KUMA DHALIN, YAA I TUSA MAYDKIISA!

HOOYO, NIMAAD DHASHAY KUMA DHALIN, YAA I TUSA MAYDKIISA!
____________________________________________________________________________

Waa ereyadii HOOYO Somaaliyeed, Hooyo nimaad dhashay kuma dhalin, Caruurtii waa la celin la’yahay, mar walba waxay lee dahay Yaa itusa maydkiisa.!!!

Muqdisho | QOL | April 25, 2016 – Aqristow waa Muqdisho, waa goor subax ah abaarahii 8:30 kii Subaxnimo, waxaa is bariidiyey laba Hooyo oo kuwada nool hal Xaafad, waxaa la is waydiiyey Hoyaadkii xalay siduu ahaa iyo sida loo waa bariistay, waxay isu sheegeen in ay si nabad ah ku waa bariisteen.

Waxaa la is waydiiyey Xaalka ay ku sugan tahay, Hooyo ay isla yaqanaan oo wiilkeeda ku DHINTAY Donyihii lagu ba’bay, labadan dumar mi ka mid ah ayaa tiri “Hebla shalay galab ayaan soo booqday, weli aad ayey u Murugaysan tahay oo inta badan sariirta kama soo kacdo, waxna ma cunto oo cabitaan ayaa lagu qasbaa, mar kastana waxay lee dahay yaa itusa MAYDKIISA”, waa Murugo aan la qiyaasi Karin, Wiil loo diray in uu wax soo barto oo tahriib aday, hadana ku dhintay Badaas waa NAXDIN, sidee la yeelayaa walaal “nimaad dhashay kuma dhalin”!!!

Labadii Hoyo mid ka mid ayaa tiri “aniga hada waxaan celin la’ahay mid yar oo ay dhashay Gabadhayda, waxaan ka kari la’nahay in uu sii wato waxabarashadiisa, maalin kastana wuxuu noo keenaa sheeko cusub uu lee yahay, waxaa la ii sheegay layn si sahlan loogu bixi karo, marka wax aan samayno manaqaan.

Hadii manta ay jiri lahayd meel wanaagsan oo lagu DHAQANCELIYO dhalainyarada WALAAHI waan gayn lahaa, waa nasiib DARRO waddan aan lahayn dad ku caawiyo iyo DOWLAD ku caawiso midna, Alaa iska Aamus walaal, kuwa dowlada noo ah iyagaa maalin kasta isku dhagan, mar walbana GATA ISKOLARSHIBKA caruurta loogu tala galay.!!!

War iyo dhamaan waxaa Calool xumo iyo Ciil ah in aysan jirin Barnaamijyo loogu tala galay in dhalinyarada looga badbaadiyo Tahriibka iyo Niyad jabka ay ka qabaan dalkooda, mana jiraan ilaa iyo hada dadaalo ku wajahan sidii loo bad baadin lahaa dhalinyarada weli ku mashquulsan sidii ay ku bixi lahaayeen.

Waalidiinta waxay ku jiraan Mar xalad aan la qiyaasi Karin oo wal wal iyo walaac badan, waayo Caruurtii ay dhaleen ma celin karaan, waxaana sabab u ah Muqalisiin aan lahayn ARXAN oo caruurta mar walba u sheega Layman Sahlan oo lagu bixi karo.

Ugu dambayn Dowladu waa in ay gelisaa dadaal badan sidii lagu abuuri lahaa barnaamijyo shaqo abuur ah oo wax tar u leh dhalinyarada iyo sidii wax looga qaban lahaa Muqalisiinta marin habaabisa Caruurta, iyagoo fiirsanaya Qarashka ay ka qaataan dhalinyarada, dhalinta waa in loo helaa Xarumo CASRI ah oo lagu DHAQANCELIYO kuwii Maqli waaya waalidiinta warkooda.

Waa in sitoos ah wax looga qabto SAXAAFADAHA sida qaldan u waraysanaya dhalinyarada ku nool QURBAHA, mar walbana waxay waydiiyaan Su’aalo aan ku haboonayn mar xalada taagan waqtigaas.

Waxaan Qormo kale ku soo qaadan doonaa, hadii Alla idmo, Suxufiyiinta iyo Saxaafadaha sida qaldan uga qayb qaata marin habaabinta dhalinyarada.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment