3375 Views

Kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 25, 2016Shirkaan oo looga hadlayay sidii Bulshada looga qayb gelin lahaa hanaanka dib u eegista geedi Socodka Dastuurka , waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Dastuurka, Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Barlamaanka , Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo qaybaha Kala duwan ee bulshada rayidka.

Shirkaan oo socon doona mudo labo maalina waxaa la isku weydaarsan doona waxka badalka iyo qodobada  Dastuurka oo mudan in dib loo eego.

Maxamad Daahir Afrax Guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay bulshada shirkaan kasoo qayb gashay ay si hufan usoo gudbiyaan aragtidooda.

“Fikradu waa adinka, inagana waxaa nahay farsamo, waxaad noo soo gudbisaan ayaan ka shaqayn doona, marka waa in aad fikir wanaagsan soo gudbisaan, taasna waxa ay horseedi doonta in bulshadu ay hadhoow marka ay codeynayaan ay howshu fududaato”ayuu yiri Maxamed Daahir Guddoomiyaha madaxa Banaan ee dastuurka.

Guddoomiha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Barlaamaanka Xildhibaanad Maryan Cariif   ayaa soo hadal qaaday maqamka Caasimada.

“Waxaa dastuur noqonaya waxa aad isla garataan, inagu qayb ayaan ka qadanaynaa, tankale Muqdisho waa in ay heshaa garsoor xaqa, maahan in marwalba wax loo magacaabo” ayay tiri Xildhibaan Maryan

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wsasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo furay shirka, ayaa tilmaamay in aragtida ururrada bulshada ee ku aadan dastuurka in uu yahay mid aad muhiim u ah.

“Waajibka  Wasaaradda Dastuurka waxa uu yahay in bulshada ay la tashato oo aragtidooda ay uruuriso, waxna ka qabato si loo helo wax xaq iyo xalaala, idinkuna waa in aad qayb ka qadataan hadaa dhihi jirteen Waxaan rabnaa inaa gudbino fikirkeena waa tanaa hada fursad ayaan idin siinay” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka.

DSC_1501DSC_1509DSC_1489DSC_1489 DSC_1534 (1)DSC_1628——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment