3771 Views

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xilki ka qaaday Wasiirkii Boostada

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xilki ka qaaday Wasiirkii Boostada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 25, 2016Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa si rasmi ah waxaa uu xil ka qaadis ugu sameeyay Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Guuleed Xuseen Qaasim.

Wareegto cusub oo ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa xilka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta loogu magacaabay Maxamed Jaamac Mursal.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana uu ku war geliyay xil ka qaadista Guuleed iyo magacaabista Jaamac oo labaduba ah isku heyb.

Xil ka qaadista Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim ayaa aheyd mid labadii todobaad ee la soo dhaafay la hadal hayay, waxaase shaacinteeda lala sugayay imaanshaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha midkood, maadaama ay safaro dibada ugu maqnaayeen iyo Howl Qaran.

Waxaa la sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay markii hore isku fahmeen xil ka qaadista Wasiirkii Boostada, waxaana Wasiirka cusub Maxamed Jaamac Mursal la sheegay inuu aad ugu dhow yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment