4908 Views

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta oo la kulantay Stan Watson‏

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta oo la kulantay Stan Watson‏
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA | QOL | April 27, 2016 – Waxaa mar kale talaabo houmarineed qaaday Guddiga Somali_American Center taa oo ahayd kulan kula kulmaayo STAN WATSON oo ka mid ah xubnaha ugu cad cad doorashadda dhawaan ka dhici doonta Dekalb – County oo loogu baratamaayo TAX COMMISSIONER DEKALB COUNTY 2016.

Waxaana Bulshadu wada qirtay in uu Mr. Watson uu yahay kuwa safka hore kaga jiro doorashadaasi taa uu ku kasbaday khibradda iyo waayo aragnimadda uu u leeyahay jagada loo loolamayo. Waxaa marka hore hadalka qaatay Mr. Watson oo dhamaan ka soo qeybgalayaasha u mahadceliyey,gaar ahaan Marwo Nafiso Cali oo ka mid ah Hablaha reer Atlanta kuwa ugu firfircoon oo xafladaan qababnqaabadeeda laheyd.

Atlanta1 (6)

Wuxuuna WATSON ka sheekeeyey aqoonta uu u leeyahay Uruurinta Canshuuraha,qaab loo celiyo Lacagaha iyo habka ugu wanaagsan oo loola dhaqmo macaamiisha,waxaa uu sheegay in uu shirkaddo badan ee dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa kala ah MATRIA,TENENT oo qaabilsan dhanka caafimaadka,sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in uu guul dhaxal galka ah ka soo hoyiyey waaxyaha waxbarashadda ee dalka Mareykanka.

Mudane WATSON isagoo qiireysan ayuu waxa uu sheegay in dadka hawlgabka ah iyo kuwa mudada badan soo shaqeeyey iyo kuwa curyaamiinta ah uu xuquuqdooda uu siin doono mudnaanta koowaad isagoo sheegay in saacadaha shaqadda uu kordhin doono si dadka degan Dekalb-County waqti badan ay u helaan si ay u bixiyaan xuquuqda lagu leeyaha sida Canshuurta kala duwan ee ku waajibtay.

Atlanta1 (5)

Shaqsigaaan qiimaha u leh Soomaalida Atlanta Mr. Watson wuxuu ku guuleystay mudadii 18ka sano aheyd oo uu ka mid ahaa madaxda Dekalb-county in uu soo uruuriyo lacago aad iyo aad u badan taa uu maanta xushmad ku leeyahay,waxaan hadalkiisii ku soo gunaanaday in uu doonaayo in uu u adeego shacabka Dekalb-County isagoo u tartamaayo TAX COMMISSIONER,waxaana uu halkaa ku kasbaday sacab qiireysan oo ay tumeyn ka soo qeybgalayaashii.

Waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American Center Inj. Cumar Shekhey isagoo marka hore u mahadceliyey Mr. Watson dadaalkii uu hore u soo galay iyo sida hufnaanta aheyd uu ugu soo shaqeeyey Guud ahaan Shacabka Mareykanka gaar ahaan shacabka Dekalb-County,waxaana uu warbixin ka siiyey habka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ay u shaqeyso iyo waxyaabihii ay soo qabteen waxaana shaqadaasi maanta abaal nooga haya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dekab-County annagoo u hurna waqti badan si aan ugu adeegno Ummadda Soomaaliyeed,waxaana kaa ballanqaadeynaa in aan ku garab istaagno si aad ugu guuleysato tartankaan iyadoo Soomalida ku nool Dekalb-County ay ka dheregsan yihiin hawlahii aad hore ugu soo qabatay kuuna rajeynaayo guul iyo in aad mar kale hanato jagadaas oo la hubo in aad ka soo dhalaaleyso, ayuu yiri Gudoomiye Shiikheey.

Atlanta1 (1)

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay odaayaal kale oo Mr Stan Watson u rajeeyey Guul iyadoo shirkaasi uu ku dhamaaday Jawi farxadeed iyo Guul.

KASOO QEYBGALAYAASHA SHIRKAASI

  1. Inj. Cumar Shekhey(Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta)
  2. Nafiiso Cali
  3. Muxidiin Cilmi
  4. Maxamed Suufi Abashekh
  5. Mina Vieazie oo ka socotay George State Universaty
  6. Maxamed Kamoole
  7. Khaalid Warsame
  8. Cabdi Yoonis
  9. Ali Osman Ali
  10. Saciid Kamuure.

Atlanta1 (4)

.

..

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment