3183 Views

Qoysas ka soo barakacay gobolka Sh/hoose oo soo gaaray Muqdisho

Qoysas ka soo barakacay gobolka Sh/hoose oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 27, 2016Qoysas ka soo barakacay colaado ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose ayaa soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho Magaalada

Barakacayaasha ayaa lagu soo waramaa in illaa iyo hadda aysan heysan hooy ay ka galaan qabowga iyo kuleeylka ka jiro Kaamaka ay ku soo dageen ee ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho, waxa ayna codsanayaan in lala soo gaaro kaalmo bani’aadanimo oo deg deg ah.

Qaar ka mid ah barakacayaasha soo gaaray duleedka Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay heysato xaalad bani’aadanimo oo aad u liidato islamarkaana ay u baahan yihiin gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah dhan kastaba ha ahaadee.

“Waxaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in nalala soo gaaro gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah, maadaama ay naheysato xaalad bani’aadanimo oo aad uliidato” ayey dheheen qaar ka mid ah barakacayaasha.

Barakacayaasha ayaa tilmaamay in mudadii ay jidka ku soo jireen ay wajaheen tacadiyo kala duwan oo isugu jira, dil, kufsi, iyo boob loo geystay qaar ka mid ah barakacayaasha intii ay wadada ku soo socdeen.

Ma’ahan markii ugu horeysan ay sidaan oo kale barakacayaal dhibaateysan u soo gaaraan qaar ka mid ah Kaamamka ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Waxaa la rajeeynayaa in dadkaas Dowlada ay u qabato wixi suurta gal ah si ay uga soo kabsadaan dhibaatooyinka Cimillada iyo Caloosha” Baahida”

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment