3366 Views

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo xalay ka bad- baaday isku day dil

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo xalay ka bad- baaday isku day dil
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 27, 2016: Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayow oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay fiidkii ka bad baaday weerar kooxo hubeysan ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala degmada Hodan.

Waxaa la sheegaya in kooxaha hubeysan ay wateen labo mooto kuwa loo yaqaano Bajaaj, waxaana gurigiisa ay ku tuureen dhowr bam gacmeed, kuwaas ay ku dhaawacmeen 4 qofood oo ka tirsan ilaaladiisa, balse Xildhibaanka waxba ma gaarin.

C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in kooxihii bamka ku tuuray guriga xildhibaanka ay baxsadeen, laamaha amnigana ay ku raad-joogaan in kastoo weli ayna gacanta wax ku haynin.

“Kooxo watay labo mooto kuwa bajaajta ah ayaa guriga Xildhibaanka ku tuuray bam gacmeed, waana carareen, Xildhibaanka waxba ma soo gaarin, laakiin ilaaladiisa ayaa afar ka mid ah ay dhaawacyo soo gaareen.”

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee lagu qaado guri uu degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, marka laga reebom Hotellada.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment