3282 Views

“Eex aan caadi aheyn ayay reer Hiiraan u arkaan, hadii wax kasta qaateen Sh/Dhexe”

“Eex aan caadi aheyn ayay reer Hiiraan u arkaan, hadii wax kasta qaateen Sh/Dhexe”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 28, 2016C/llaahi Goodax Barre ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka inay u eexatay Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo cadeeyay in wax kasta oo ku saabsan dhismaha maamul u sameynta labada gobol ay ku qadsan yihiin reer Hiiraan.

Mr Goodax oo wareysi siinayay mid ka mid ah Idaacadaha MUqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda, iyadoo aan la tashi la sameyn dadka ay gogosha shirka geysay Jowhar, isla markaana soo bandhigtay sida loo qeybsanayo Baarlamaanka, taasoo uu xusay inay tahay eex aan caadi aheyn oo loogu dan-leeyahay Hiiraan.

“Reer Hiiraan waxaa u muuqata inay jirto eex aan caadi aheyn, oo ah in loo eexday Shabeellaha Dhexe, dowladda waxay kontaraadyada qarasha shirka ku baxaya ay siiyeen cid gaar ah, sida Madaxweynaha dad ay wax ka dhaxeeyaan, in Baarlamaanka la qeybiyay oo shabeellaha dhexe loo badiyay, in gogoshii Jowhar la geeyay, intaas oo dhan waa eex.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu la shiray qabaa’ilada dega labada gobol, kuna yiri in la doorto cid uu isaga wato oo uu dan ka leeyahay.

“Madaxweynaha intuu dad shiriyay oo ah qabaa’ilka ka mid ah qabaa’ilada dega labada gobol ayuu ku yiri hebel hala doorto, taas macaheeda waa cadahay cida uu wato”ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

“Hadii reer Hiiraan gogosha heysan, Xildhibaanada baarlamaanka laga badan yahay, caasimadii Buulo Burde tahay oo ah meel go’doon ku jirta, in Jowhar ay iska ahaaneyso caasimada, in Madaxweynaha la qaadanayo, wax walba wixii lagu xisaabtamayay waxay aadayaan Shabeellaha Dhexe”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Mudane Goodax ayaa hor-boodayay mooshinkii laga keenay shirka Jowhar, kaasoo ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka uu xal ka gaaray, isla markaana muddo 45 cisho u qabtay in lagu soo dhiso maamulka labada gobol, lana dhameeyo tabashada jirta ee keentay dib u dhaca.

Qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa wali diidan ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana shirka uu yahay mid gaabis ku socda, oo aan wali la qeybin ergooyinkii beelaha uga qeyb geli lahaa madasha shirka.

Caqabada ku hor-gudban dhismaha maamul ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa timid, markii Madaxweynaha uu ku dhawaaqay meesha lagu qabanayo shirka iyo halka ay noqoneyso caasimada labada gobol, taasoo beelaha reer Hiiraan saluug badan ka muujiyeen oo ay caroodeen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment