3321 Views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 28, 2016:Yuusuf Axmed Hagar, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo xusay in dhowaan la dhisi doono maamulka labada gobol ayadoo loo simanyahay.

Mr Hagar ayaa sheegay in dadaalada lagu xalinayo tabashada ay qabaan odayaasha ka soo jeeda reer Hiiraan ay wali socdaan, isla markaana maamulkiisa uu qeyb ka yahay, isla markaana sida loogu tala galay ku dhamaan doonto, hadii Allah yiraahdo.

“Maamulka labada gobol waa la dhisi doonaa, wixii khaldan dib ayaa laga sixi doonaa, hadii maamul la dhisayo dadka waa is jiid-jiidayaan, aniga wax igu yar yihiin iyo aniga ha leygu daro taas baa meesha ka jirta ee lama diidano in labada gobol la isku daro”ayuu yiri Yuusuf Hagar.

Waxuu kale uu sheegay, in marka la dhiso maamulka labada gobol wixii tabasho iyo qaladaad jira dib laga sixi doono, balse hadaa waxba la dhisin oo aan la isu tagin aanay wax saxmayo jirin haba yaraatee.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa dhowaan furay wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inkastoo wali aanu shirkaas sida la rabay u socon, hadana waxaa wali magaalada Jowhar ka socda shirar gaar gaar ah oo ay leeyihiin xubnaha labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhaxe.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha June ay soo gaba gabeyso dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inkastoo wali qaar ka mid ah Odayaasha reer Hiiraan mucaaradsan yihiin shirka ka socda Jowhar.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment