3240 Views

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Suudaan oo hishiis Khartuum ku kala saxiixday

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Suudaan oo hishiis Khartuum ku kala saxiixday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 28, 2016Heshiiskan oo ahaa mid horay loo galay una  dhaxeeyay  wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya iyo suudaan ayaa waxaa inta badan xooga lagu saarayay adkeenta  iyo dhaqan galinta heshiiskaasi  horay  loo galay  iyadoo dhanka soomaaliya ay mataleeysay wasiiradda Caafimaadka ee Dowladda soomaaliya Drs Xaawo Xasan

Heshiiskan oo Qeexayay in la Sameeyo gudiyo fulineed oo ka socda  labada Wasaaradood ayaaa waxaa la isla gartay in waajib ay tahay in la adkeeyo xiriirka u dhaxeeeya  labada Wasaaradod gaar ahaan dhanka adeegyada caafimaadka waxyaabaha quseeeya  iyadoo  wasiiradda u mahadnaqday dhigeeda dalka suudan ee heshiiskan la saxiixday

Drs Xaawa Xasan  oo la hadleesay Warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in dowladda soomaaliya  gaar ahaan Wasaaradda caafimaadka heshiiskan ugu fadhiyo muhiimad gooni ah Dhawaana sheegtay ka wasaarad ahaan in ay soo dirayaan gudiyadii fulin lahaa waxyaabihii lagu heshiiyay

Dhanka kale wasiiradda oo Maalmahaanba  howlo shaqo u joogtay khartuum ayaa tibaaxday in ay u timid ka qeeb qaadashada shir ay leeyihiin wadamadda urur goboleedka igad ku buhoobay kuwaa oo gaarayay sideed dal oo  dowladda soomaaliya ay qeeb ka taahy loogana hadlayay khatarta afrika ka haysta isticmaalka dawooyinka dhacay iyo sidii bulshada looga wacyi galin lahaaa qatartaas.

Waa markii ugu horeysi  wasiiradda caafimaadka Drs xaawo Xasan ay soo gaartay dalka Sudaan tan iyo markii ay la waragtay Wasaaradda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment