3141 Views

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee Soomaaliya oo la kulmey dhigiisa Wadanka isutagga Imaaradka Carabta

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee Soomaaliya oo la kulmey dhigiisa Wadanka isutagga Imaaradka Carabta
____________________________________________________________________________

Abu Dhabi-UAE | 27.04.2016 : Dr.Abdisalaan Omar  Hadliye Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiiri gelinta Maalgashiga ee  Jamhuuriyadda  Fedralka Soomaliya oo booqsho ku joogey Maalmahan  wadanka Isutagga imaaraadka carabta   Ayaa kulan la qaatey Dhigiisa  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga  ee Wadan Isutagga Imaaraadka Carab  H.H Sheikh Abadalla Bin Zayid Al Nahyan. intuu socdey kulankasi  labadda Wasiir ayaa waxay   kawada hadleen xaaladda  Siyaasadeed  ee Soomaaliya, hormarka ay sameeysey xukuumadda , xiriika walaaltinimo  ee soo jireenka ah  oo  ka dhaxeeya labadda dal  iyo weliba sidii looxoojinlahaa iskaashiga labadda dal.

Dhinacakale  kulunkan  oo  ka dhacay  Casimadda Wadanka  isutagga Imaaraadka Carabta ee magaalada Abu dhabi  gaar ahaan Xarunta dhaxe ee wasaaradda  Arimaha Dibadda Ayaa waxaa goob joo ka ahaa  Danjiraha   Jamhuuriyadda Fedralka Soomaliya  ee u fadhiya Imaaraadka  mudane  Abdulkadir Sheekhey Mohamed Al- Hatimi  oo runtii door muhiim ah ka qaatey sii loo sii xoojinlaa  xiriika  soo jireenka ee u dhaxeeya  labada dal .

Gaba gabadii  kulankaasi  wasiir Hadliye wuxuu   si aad ugu mahadceliyay  Shacabka iyo dawladda   Imaaraadka Carabta Mashaariicda ay ka fulinayaa Soomaliya  iyo Kaalmadda Bani aadanimo  ee  ay la garabtagnyihiin marwalabo walaalahooda  Shacabka iyo dawladdan  Soomaaliyeed gaar ahaan wuxuu mahad gaar ah u jeediyay   Madaxweynaha  Isutagga  Imaaraadka Carabta  H.H. Sheikh Khalifa Bin Zayid  AL Nahyan, Ku xigeenkiisa ah na  Ra’isulwasaaraha  dawladda Imaaraadka Carabta Islamarkaasina ah  xaakimka  Imaarada Dubai, iyo weliba Dhaxalsugaha  Imaaradda  Abu Dhabi ahna ku xigeenka Teliyaha ciidanka qalabka. Kulankaasi  wuxuuna ku dhamaadey  Jawi aad u heersareeya.

.

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment