5709 Views

C/wali Maxamed Cali Gaas, oo heshiis la saxiixday maal-qabeen u dhashay Sacuudiga

C/wali Maxamed Cali Gaas, oo heshiis la saxiixday maal-qabeen u dhashay Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 29, 2016C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maalmahan ku sugnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa heshiis ku saabsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland la saxiixday maal-qabeen ka soo jeeda qoyska Boqortooyada oo lagu magacaabo Amiir Suldaan Bin Naasir Bin Cabdicasiis Aal-Sacuudi.

Heshiiskan Madaxweynaha Puntland iyo maal-qabeenka Sacuudiga ayaa ah dhismaha Dekeda laga dhisi doono deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, Wado laami ah oo isku xiri doonta Garacad iyo Goldogob iyo dhismaha garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo

Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah in Amiir Suldaan Bin Nasir uu maalgasho warshado kalluunka gasacadeeya iyo qaboojiyeyaal laga hirgelin doono deegaanada xeebaha Puntland, sida Laas-qoray, Baar-gaal, Xaabbo, Eyl iyo Garacad.

Saxiixaan waxaa kaloo qeyb ka ah maalgashiga xoolaha nool oo loo dhoofin doono Sacuudiga iyo dugsiyo lagu baran doono xirfadaha kalluumeysiga, xaanadaha xoolaha iyo beeraha, kaasoo laga hirgelin doono deegaano ka tirsan Puntland.

Ugu dambeyn C/wali Gaas ayaa balan qaaday inuu fulin doono heshiiskan, waxaana uu xusay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah oo ka qeyb qaadan doono kobaca dhaqaalaha Puntland, hadii uu hirgalo.

maalqabeen-1maalqabeen-3maalqabeen-4

maalqabeen-5

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment