3183 Views

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hab mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hab mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka
____________________________________________________________________________
Muqdisho, April 29, 2016Kulanki caadiga ahaa ee golaha Wasiirada oo uu shir guddoominyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ay soo hordhigtey golaha Wasiirada warbixin dhameystiran oo ku saabsan nidamka mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka iyo muhiimadda ay dalka u leedahay, gaar ahaan waqtiga hadda lagu jira.
Mudane Axmed Xaaji Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, ayaa golaha Wasiirada usoo jeediyay warbixin cilmiyeysan oo ay Wasaaraddu ka diyaarisyey nadaaminta hirarka dalka iyo baahida loo qabo in dawladdu habeyso shirkadaha isticmaala hirarka dalka uu leeyahay.
Warbixinta ay Wasaaraddu soo bandhigtey ayaa ahayd mid taabaneysa dhamaan noocyada Boostada iyo Isgaarsiinta dalka oo dhan, waxaana warbixinta kadib ay golaha Wasiiradu galeen iney ka doodaan su’aalana badanna la iska weydiiyay.
Golaha Wasiirada DFS ayaa usoo dhaweeyey hormarka ay wasaaraddu gaartey iyo soo gudbinta qorsha nadaaminta midyesan ee shatiyada Isgaarsiinta. Golaha wasiiraha ayaa dood kadib cod buuxa ku ansixiyy nadaamka mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka, si arrintas ay u yeelato meel loo raaco.
 Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ahna sii hayaha Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa sheegey muhiimadda ay dalka u leedahay nadaaminta iyo shati siinta shirkadaha bixiya adeegga Isgaarsiinta noocyadiisa kala duwan ee dalka ka hawlgala.
Waa markii ugu horeysey ee ay Xukuumaddu ansixiso nadaamka lagu hirgalinayo shatiyada Isgaarsiinta dalka, isla markaana lagu maareynayo Hirarka dalka taasoo ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu soo bandhigtay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment