3402 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo horgeeyey Baarlamaanka Qorshaha Guud ee Hannaanka Doorashada 2016

Ra’iisul Wasaaraha oo horgeeyey Baarlamaanka Qorshaha Guud ee Hannaanka Doorashada 2016
____________________________________________________________________________

 Muqdisho, April 30, 2016Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta u gudbiyey Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Habka guud ee Geeddi Socodka Doorashada 2016ka..

Mudane Cumar, oo Khudbad ka jeediyey kulanka Baarlamaanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Hannaankan doorasho ee ay Xukuumaddu soo gudbisay, waxaana uu sheegay in hanaankani wadatashi guud ay ka sameeyeen Dawladda Soomaaliya iyo Maamullada dalka, isagoo ka codsaday Golaha Shacabka in ay ansixiyaan Hannaankan si ay u qabsoonto doorashadu waqtigii iyo habki loogu tala-galay.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka, iyaga oo eegaya duruufaha ka jira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan Hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ku saleysnaa go’an wadar ogol ah oo ay qaateen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah”.ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday xubnaha golaha shacabka inay soo aqriyaan qorshahan, maalinta Isniinta ah ee soo socotanala fulin doono go’aanka ka gaarista qorshaha guud ee Hannaanka Doorashada.

unnamed3-1unnamed2-1unnamed4 (1)

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment