3060 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in labo bil lagu kordhinayo waqtiga ay dhaceyso doorashada

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in labo bil lagu kordhinayo waqtiga ay dhaceyso doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 30, 2016Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  ayaa sheegay in isaga iyo Guddoonka Baarlamaanka ay ka wada hadleen in labo bil lagu kordhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya oo ku beegneyd bisha September.

R/ wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka dooda jimcaha oo shalay ka baxayay Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda, ,isagoo cadeeyay in muddo kordhintaas aanay wax dhibaato ah ku keeni doonin hanaanka looga gudbayo doorashada sanadkan 2016.

“Waxaa rajeyneynaa hadii Baarlamaanka arrintaas si dhaqse ah ku guda galo doorashada waqtigeeda waa ku dadaaleynaa inaan isla waqtiga ku saleyno, hadii ay dhacdo ayadoo la shaqeynayo farsamo ahaan wax yar ku darsoomaan muhiim waxaa ah inaan waqti iska qaadin, waa jirtaa anaga iyo Guddoonka inaan ka wada hadalnay in labo bil la siiyo Xildhibaanada si ay olole u sameeyaan, qadarin weyn ayaa siineynaa hadii dib u dhacno wax badan dib uma dhici doono 2016 gudaheed ayay doorashada ku dhaceysaa”ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Marki la weydiiyay habka loo soo xulayo doorashooyinka aqalka sare iyo aqalka hoose inay qaab musuq maasuq ku dhacaan, maadaama maamul goboleedyada ay ka qeyb qaadanayaan soo xulista ayuu xusay in aanay musuq maasuq dhici doonin.

“Wax hal qolo kaligeed sameyneyso ma ahan, waxaa la keenayaa dhex dhexaadiyeyaal isugu jira Shisheeye iyo dad Soomaaliyeed oo kor joogaya arrintan, waa adkaan doontaa in musuq maasuq ay dhacdo, meel kasta oo doorashada ka dhaceysa, dhex dhexaadiyeyaasha iyo warbaahinta ayaa goob joog ka noqonaya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Qorshahan cusub oo horu dhaca ah ee ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa macnaheedu yahay in doorashada ay dhacdo bisha December, bedelkii la filayay inay dhacdo bisha September ee soo socota.

Ma cadda sida arrintan ay u aqbali doonaan Maamul goboleedyada, maadaama heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 12-kii bishan April uu dhigayay in doorashada ay dhacdo bisha September.

Hordhinta waqtiga loo sameeyay doorashada, ayaa loo arkaa mid Xildhibaanada Baarlamaanka ay galaan gal ugu sameyn karaan sidii ay mar kale dib u soo laabtaan, maadaama xilligii horay loo qorsheeyay oo ah bisha September ay ka harsan tahay afar bilood kaliya, isla markaana Baarlamaanka kalfadhigiisa u soo xirmayo bisha Agosto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment