4791 Views

Tahriibayaal laga soo bad baadiyay Badda

Tahriibayaal laga soo bad baadiyay Badda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 30, 2016Waxaa la sheegayaa in xalay fiidkii laga dejiyay Dekeda Boosaaso illaa 92 qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasoo muddo shan cisho dul sabeynayay Badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen.

Markab ka tirsan kuwa Isbaheysiga NATO ee ilaaliya Xeebaha Soomaaliya ayaa tahriibayaashan soo bad baadiyay ka dib marki uu helay doontaan oo hehaab ah.

Tahriibayaashan, ayaa waxaa ka mid ahaa 7 qof oo Soomaali ah oo ay ku jirto haweeney uur leh iyadoo 85 kalena ay u dhasheen dalka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Tahriibayaashan ay si qarsoodi ah xeebaha gobolka Bari uga baxeen todobaadkii hore, iyagoo ka raacay dooni kuwa macmalka ah, taas oo cadaynayso in ay ku lug leeyihiin Magafe-yaal Soomaali ah oo ka qaraabto Xeebaha Gobollada Bari.

Xaaladooda caafimaad ee dadaas ayaa ah mid wanaagsan, marka laga reebo haweeneyda uurka leh oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaal magaalada Boosaaso.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment