3546 Views

Shirkad Turki ah oo la socon doonta tayada badeecadaha ka soo dega Dekeda Muqdisho

Shirkad Turki ah oo la socon doonta tayada badeecadaha ka soo dega Dekeda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 1, 2016Shirkad Turki ah oo lagu magacaabo BJM, ayaa lagu wareejiyay la socodka Tayada badeecadaha soo galaya dalka iyo kuwa ka dhoofaya, kadib markii dowladda Federaalka ay shirkadan heshiis kula gashay inay la socoto badeecadaha ka soo degaya Garoonka.

Eng. C/rashiid Maxamed Axmed Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada sanadkii hore wixii hada ka dambeeya Shirkadan loo igmaday inay la socoyo tayada badeecadaha ka soo degaya Dekeda Muqdisho iyo dekedaha dalka.

“Waxaa rabnaa inaan ogeysiino Ganacsatada Dekedaha iyo xuduudaha in shaqadii Shirkada BJM ee la socodka tayada badeecada in maanta wixii ka dambeeya ay bilaabatay”ayuu yiri Wasiirka.

Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo goob joog ka ahaa munaasabadii shirkadan loogu wareejinayay la socodka tayada badeecadaha dalka la keena ayaa sheegay inay tahay howl muhiim ah, maadaama tan iyo bur burkii aanu jirin cid koontaroosha alaabaha dalka la keeno.

Jen. Xaamud ayaa sheegay in shaqadan cusub ee Shirkadan ay tahay taya dhowrka tayada badeecadaha dalka la keeno, isagoo xusay in wixii hada ka dambeeya lala socon doono tayada alaabaha dalka la keenay, maadaama xilliyadii bur burka kadib aanay jirin cid kormeerta tayada badeecadaha dibada laga keeno oo qaarkood la keeni jiray kuwo waqtigooda dhacay sida dawada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Dekeda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah labo il ee dhaqaalaha ka soo gala ku wareejisay shirkado laga leeyahay dalka Turkiga, kuwaasoo gacanta ku haya howlaha labadaas ilood in kastoo ay wanaagsaneed in Sharikado Soomaali ah loo dhiibo howshaas.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment