5487 Views

Gabar Soomaaliyeed oo isku gubtay Jasiirada Nauru

Gabar Soomaaliyeed oo isku gubtay Jasiirada Nauru
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 2, 2016Wararka naga soo gaaraya dalka Australia ayaa sheegaya in gabar Soomaaliyeed oo kamid ah dad ku jira xero qaxooti oo ku taal Nauru, ay isgubtay.

Hay’adaha u dooda qaxootiga ayaa waxa ay sheegeen in gabadhan ay si daran u gubatay dhammaan dharkeedana ay gubteen. Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Hodon Axmed Barre ayaa la sheegay in ay dhibaato ku noqotay nolosha jasiirada Nauru.

Dadka qaxootiga ah ee ku nool jasiiradan ayaa ah ku sugnaa muddo saddex sano ah. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah qaxootiga ku nool jasiirada Naura ay liqeen sakiin qaarkoodna ay u dhinteen kuwa kalena ay is gubeen.

Qaxootiga ku nool jasiiradan ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dalal badan oo caalamka iyadoo dad gaaraya afartameeyo oo isugu jira lab iyo dheddig ay ku jiraan xeryaha. Dadkan ayaa doonayay inay galaan dalka Australia hase yeeshee dowlada Australia ayaa geysa dadka qaxootiga ah jasiiradan oo an ogolayn in ay gudaha galaan.

Mar an fogayn ayaa nin u dhashay dalka Iran waxaa uu u dhintey dhaawacyo soo gaaray kadib markii uu isgubay. Waxana jasiiradan dhowr jeer lagu kufsaday gabdhaha qaxootiga ah oo ay ka mid ahayd gabar Soomaali ah.

Dadkaan qaxootiga ah ayaa loo diiday in ay dib ugu noqdaan dalalkooda waxaana ay sheegeen in nolol dhibaato leh ay ku jiraan. Maamulka jasiirada Nauru ayaa waxa ay ku tilmaameen in dadka isgubaya ay yihiin kuwo doonaya in laga qaado Nauru oo la dejiyo dalka Australia.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment