3207 Views

Ingriiska oo ciidamo hordhac ah u diray Soomaaliya

Ingriiska oo ciidamo hordhac ah u diray Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 2, 2016Dowladda Ingriiska ayaa ciidamo horudhac ah geysay Soomaaliya, si ay u taageeraan howl galka AMISOM oo beryaan garguuranaya.

Ciidan ka koban10 askari ayaa ka degay magaalada Muqdisho, iyadoo ay xigi doonaan 70 kale oo tabanka daba jooga.

Micheal Fallon, Xoghayaha Gaashaandhigga Ingriiska, ayaa sheegay in ciidamada Britan ka socda ay taageeri doonaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay dhinaca caafimaadka iyo taageerada dhinaca lojistikada ay siin doonaan Ciidamada AMISOM.

Ciidamadan ayaa gacan ka geysan doona xasilinta iyo dagaalka lagula jiro Argagixisada, waxaana la sheegay in aanay ka qeyb qaadan doonin dagaalada tooska ah, hase ahaatee hadii la soo weeraro ay is difaaci doonaan.

Xukuumadda Ingriiska ayaa sanadkii la soo dhaafay shaacisay in illaa 80 askari oo isugu jira qubaro iyo la taliyeyaal ciidan u direyso Soomaaliya, si ay u taageeraan howl galka AMISOM.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment