2814 Views

Kooxda kubbada kolayga ee I. L. S. oo la ganaaxay

Kooxda kubbada kolayga ee I. L. S. oo la ganaaxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 2, 2016Kooxda Kubadda Koleyga I.L.S ayaa  ganaaxan ku muteysatay kadib markii  ay  diideen in ay ciyaaraan kulan ka tirsan horyaalka oo sabtidii  taariikdu ahayd  30 April  lagu waday in ay dhex marto  ciyaar kooxaha I.L.S iyo Dekedda.

I.L.S ayaa ku doodday in loo ciyaarsiiyo laba ciyaaryahan oo kooxda ku cusub , halka xiriirka uu dhankiisa sheegay in  tirada sharciga ee ah 15 ciyaaryahan ay u buuxsantay isla markaana aan loo ogolaan karin   ciyaartooy kale,  waxayna kooxda I.L.S  go’aan ku gaareen in aysan garoonka gelin xiriirkuna waxuu dhankiisa  amray in ciyaarta la bilaabo dhibcahaha ( Forfait) lagu siiyo kooxda Dekedda.

Kadib dhacdadaas  guddiga fulinta Xiriirka kubadda Kolegya ayaa kulan ku  qaatay xafiiska uu ku leeyahay magaalada Muqdisho waxayna go’aamiyeen.

1- in kooxda I.L.S  laga joojiyo kulamada u haray  ee tartanka horyaalka   hadda socda, dhicihii horey ay u lahaayeena laga qaado.

2- in Macalimiinta kooxda oo kala  ah Saciid Maxmaed Shiikh iyo Daa’uud Diiriye Fiidshe   laga joojiyo  shaqada Macalimo ee kubada Koleyga mudo hal sano ah .

Ganaaxan ayaa kooxda  Heegan u sahlaya in ay ku guuleysato horyaalka maadaama kooxda I.L.S oo kusoo xigtay ay weysay dhibicii horyaalka  snadan 2015-16.

Kooxda ganaaxa la kulantay ee I.L.S ayaa la aasaasay 2013  waxayna tan iyo xilligaas ku guuleysatay koobka Jeneralal Daa’uud 2014-15 iyo  Ciyaaraha 3×3  sidoo kale waxay kaalinta labaad ka galeen horyaalka 2013-14 iyo koobkii Geranaal Daa’uud 2013.

Lifaaqa Atach-ka kujira ka aqriso  warbixinta u soo saaray:

17——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment