2841 Views

Baarlamaanka oo maanta guda galay dooda ku saabsan doorashooyinka 2016

Baarlamaanka oo maanta guda galay dooda ku saabsan doorashooyinka 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 3, 2016Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta billaabay dooda ku aadan hanaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya, kadib markii 30-kii bishii hore ee April uu u horkeenay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Shirkaan ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano dhowr ah, kuwaasoo is qoray, markii Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay ajandaha dooda inuu yahay hanaanka doorashooyinka.

Xildhibaanada ka doodayay heshiiska hanaanka doorashooyinka ayaa ahaa kuwo kala aragti duwanaa, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada ay qabeen in Guddi loo saaro qodobada ku xusan heshiiskan, isla markaana wixii qaladaad ah la saxo, kadibna cod loo qaado.

Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa qabay in Xukuumadda dib loogu celiyo qorshahan guud ee hanaanka doorashooyinka, si ay u soo jadwaleyso taariikha la soo xulayo Labada aqal ee Baarlamaan, doorashada Guddoonka iyo doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaano kale ayaa iyana soo jeediyay in Baarlamaanka ansixiyo hanaanka doorashooyinka, maadaama waqtiga haray uu yar yahay, isla markaana la rajeynayo in bisha Agosto ay doorasho dalka ka dhacdo.

Dooda kadib Guddoonka Baarlamaanka ayaa amray in maalita berri la isugu soo laabto, si Xildhibaanada haray ay uga doodaan, waxaana marka la soo gaba gabeeyo dooda la filayaa in Guddoonka cod u qaado labo mid oo kala ah in Xukuumadda dib loogu celiyo ama qodobada la saxo, lana ansixiyo, hadba midki loo bato.

Dhanka kale waxaa kulanka maanta ka baaqday Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaana qorshuhu ahaa in su’aalo laga weydiiyo, lamana sheegin waqtiga uu hor imaanayo, si uu uga jawaabo su’aalaha ay qabaan Mudanayaasha Barlamaanka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment