3126 Views

Madaafiic oo xalay lagu garaacay Xerada Xalane

Madaafiic oo xalay lagu garaacay Xerada Xalane
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 3, 2016Dhowr madaafiic ayaa xalay abaarihii 1-dii saq dhexe lagu garaacay Xerada Xalane ee ku dhegan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Talis u ah howl galka AMISOM.

Dadka deegaanka Wadajir ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa illaa shan madfac ah oo dhinaca Xalane ku dhacayay, iyadoo aan la ogeyn khasaare ka dhashay.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joseph Kibet oo la hadlayay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in illaa saddex madfac lagu soo tuuray.

Joseph Kibet ayaa sheegay in madaaficida ay ku soo dhaceen agagaarka Xarunta Xalane, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo sababtay.

Xerada Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha ayaa ah goob amnigeeda aad loo ilaaliyo, waxaana xarumo ku leh Safaarado dhowr ah oo ay ka mid tahay Safaaradda Britain, Xafiiska Qaramada Midoobey.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah uga fuliyay Xerada Xalane sanadihii 2009-kii iyo 2014.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment