3591 Views

Pep Guardiolla ‘Caawa hadii aan ka badin waayo Simone ha la i khaarajiyo’….

Pep Guardiolla ‘Caawa hadii aan ka badin waayo Simone ha la i khaarajiyo’….
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 3, 2016 – Tababaraha Kooxda Bayer Munich Pep Guardiolla ayaa sheegay in Caawa Kulanka Lugta 2 ee Sami Finalka Champions League 2015-2016 ay Kooxdiisa Bayer Munich Gar iyo Gardaro waa sida uu hadalka u dhigaye ay ka go’an tahay inay dhulka dhigaan Kooxda Athletico Madrid oo horay Kulankii Lugta 1 ee Sami Finalka ku soo Sagootisay  1-0 Isla Markaana Caawa u baahan oo kaliya Barbardhac si ay ugu Gudbaan Finalka Koobka Champions League.

Ciyaarta lugta 2 ee Caawa ka dhici doonta Garoonka Naadiga Bayer Munich ee Magaalada Munich ee Cariga Wadanka jarmalka ayuu Tibaaxay Coach Guardiolla ka hor inta uusan dhicin In ay ka goantahay Kooxdiisa Bayer Munich inay  iska xaadariso Finalka Champions League oo ay ka xigto Darbiga Adag ee Athletico Madrid
‘Caawa waxba u reeban Meyno Athletico Madrid waana ku qasbanahay inaan Gurigeena ku Garaacno Simone iyo Kooxdiisa Athletico Madrid si aan ugu Gudubno Kama dambeysta’ ayuu YIri Guardiolla oo sheegay hadii kulankaan u Guldareysto in Madaxiisa u dul dhigay Kooxda Bayer Munich laguna Qaado Dil.
Waxaa dhici karta hadii Bayer Munich ay us oo bixi weydo Finalka Koobka Champions League 2015-2016 in Taageeryaal qamaamsan ay Gubi Doonaan Guriga uu ka degan yahay Munich Macalinka Kooxdaasi Bayer Munich Pep Guardiolla Sida dhacda inta badan o ays ameeyaan Taageerayaasha careysan.
Athletico Madrid oo ka rajo dhow Kooxda Bayer Munich ayaa ku soo baxda Caawa Barbardhac,Halka Bayer Munich Rajadeedu ku xiran tahay inay ku badiyaan 2-0 ama 3-1
Dr Ibraahim Cali xasn oo Taageera kooxda Bayer Munich in badana deganaa Cariga dalka jarmalka oo aan wax ka weydiiyay Rajada Kooxda Bayer Munich ee Kulanka lugta 2 ee sami finalka Champions League 2015-2016 ayaa sheegay in 100% Rajada Kooxdu wanaagsan tahay isagoo Tibaaxay in Bayer Munich Marka Garoonkeeda loogu Yimaado ay Kooxaha Yurub ka dhisan ay ku Cadaabaan isla Markaana Guuldaro ku sagootiyaan.
Waxa uu sheegay Dr Ibraahim Cali Xasan in Bayer Munich ay soo gaari doonto Finalka Koobka.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment