3018 Views

Ururka Haweenka Qaranka oo baaq u diray duubabka dhaqanka Hiiraan iyo SH/Dhexe

Ururka Haweenka Qaranka oo baaq u diray duubabka dhaqanka Hiiraan iyo SH/Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 3, 2016Ururka Haweenka Qaranka ayaa casho sharaf u sameeyey duubabka dhaqanka Gobolada Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe, waxaana dhextaal u aheyd ka hadalka dhameestirka shirka Maamul u sameynta labada gobol, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Xuseen Guudlaawe.

Haweenka ayaa sidookale hadiyado Guddoonisiyay duubabka dhaqanka si ay ugu dhiira geliyaan howsha adag ay labada gobol u hayaan.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, ayaa ka codsatay duubabka dhaqanka ee labada gobol inay dadajiyaan dhismaha Maamulka Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe.

Duubabka Dhaqanka ayaa uga mahad celiyay Ururka Haweenka casha sharafta ay u sameeyeen dhaqanka, waxaana ay sheegeen inay isku raaceen inta badan habkii wax ay u qeybsan lahaayeen maamulka, isla markaana dhawaan lagu dhawaaqayo, loona gudbayo wejiga ugu dambeeyo ee dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ka hadlay munaasabda ayaa sheegay in Haweenku ay yihiin lafdhabarta bulshada, loona baahanyahay in boqolkiiba sodon laga siiyo maamul goboleedka la dhisayo.

“Haweenku way dowladnimo jecelyihiin, markii gobolkaan la ii soo magacaabay Haweenka ayaa i soo dhaweeyay, waxaan rabnaa Haweenku waxa ay doonayaan in la siiyo 30% ugu yaraan waana hubaa inay mudanyihiin Dowlad Goboleedka la dhisayo mid tusaale fiican u noqda xaquuqda Haweenka ha noqdo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Cali Guudlaawe.

IMG_20160502_192232-1024x576vlcsnap-2016-05-03-01h22m10s164vlcsnap-2016-05-03-01h22m18s4vlcsnap-2016-05-03-01h23m08s0vlcsnap-2016-05-03-01h23m22s125

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment