3588 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh “Hey’addaha Garsoorka iyo Amniga waxaan farayaa inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Hey’addaha Garsoorka iyo Amniga waxaan farayaa inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 4, 2016Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa faray Hey’addaha Garsoorka iyo Amniga inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, kadib markii uu Madaxweynaha xilki ka qaaday Ceydiid Ilka-Xanaf oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda sare.

Xafladda lagu dhaariyey guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare ee dalk Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday xarunta madaxtooyadda, ayaa waxaa goob joogka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Boliiska iyo Nabad Sugidda.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey xafladda dhaarinta ayaa faray dhammaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.

“Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.Waxaan rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, waxaan ku bogaadinayaa guddoomiyaha cusub inuu wajaho tabashooyinbkaas dadku ay qabaan ” ayuu yiri Madaxweynaha .

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa dhiira-geliyey guddoomiyaha cusub, waxuuna u ballan qaaday in dhammaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaan howlaha loo egmaday.

unnamedvunnamedkunnamedbunnamedc

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment