3339 Views

Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika oo ka hadlay wax qabtka Safaaradda.

Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika oo ka hadlay wax qabtka Safaaradda.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 5, 2016Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, ambassador Jamaal Maxamed Barow, oo shir saxaafadeed ku qabtay xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Pretoria ee dalkaasi ayaa ka hadlay arima dhowr ah oo ay ugu weyn tahay xil dhowaad dowladda Soomaaliya ay u magacowday safiirka.

Ambassador Jamaal Maxamed Barrow, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u soo magacowday dalalka Zimbabwe, Botswana, Namibia, Swaziland  iyo Angola oo la hoos keenay safaaradda Soomaaliya ee dalka koofur Afrika maadaama Soomaali badan ay ku dhaqan yihiin dalalkaasi.

Danjiraha ayaa sheegay in markii soo loo magacaabay safaaradda Soomaaliya ee dalka koofur Afrika oo xooga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo South Africa, isla markaana uu badan ka qabtay arintaasi.

“Waxaa hada aan safaarad deganeyn oo la ii magacaabay ayaa ah shan dal oo kala ah; Zimbabwe, Botswana, Namibia, Swaziland iyo Angola, waxaa ay hoos imaanayaan safaarada,” ayuu sheegay danjire Barrow.

Safiirka Soomaaliya dalka Koofir Afrika, ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay diyaarisay safaaradda qorshe howleed kaas oo ah in ay dowladda koofur Afrika ay kala hadleen sidoo deeq waxbarasho u siin lahaayeen Soomaaliya iyo in tababaro xirfadeed u fidiyaan dadka Soomaaliyeed.

Danjire, Jamaal Barrow, ayaa sidoo kale xusay in safaaradda ay ku guuleysatay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan ay maalin kasta ay heli karaan waraaqaha ‘GO HOME”  loo yaqaano oo Soomaaliya ay ku soo aadaan, halkii waagii hore todobaadkii hal mar heli jireen.

“Sidoo kale qorshaha sanadkan waxaa ku jira in kor loo qaado adeegyada jaaliyadaha Soomaaliyeed, waxaa bilownay in maalin kasta la qaado waraaqaha ‘GO HOME’, waxaa dhowaan safaaradda bilaabi doonaa bixinta waraaqaha dambi la’aanta oo markii hore meelo kala laga qaadan jirey, sidoo kale diblomaasiyiinta safaaradda waxaa ay isla garteen in gobolada fog fog dadka ku nool adeegyadii ay safaaradda u soo doonan jireen meeshooda loogu geeyo mar dhowna laga bilaabi doonaa magaalada Cape town kaliya baasaboorka ay safaarada u soo doonan doonaan,” ayuu markale yiri danjiraha.

Danjire Jamaal Maxamed Barrow, safiirka Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in dhowaan socdaal uu ku tagi doona dalalka hadda loo soo magacaabay oo qaarkood ay ogolaadeen safaarnimadiisa.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment