3336 Views

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo Barlamaanka oo ka Careeysan

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo Barlamaanka oo ka Careeysan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 5, 2016Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah yeelanaya kulan deg deg ah oo ku saabsan xil ka qaadistii shalay uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Ceydiid Ilka-Xanaf.

Shirkaan an caadiga ahayn, ayaa waxaa iclaamiyay Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maalinta khamiista aanay inta badan Baarlamaanka wax kulan ah laheyn, Xildhibaanada ayaa fariin qoraaleed lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulankan deg dega.

Xildhibaanada Baarlamaanka qarkood, ayaa ka soo hor-jeestay xil ka qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaana tani ay keeni kartaa khilaaf siyaasadeed, xilligan kala guurka ah.

Khilaafyada siyaasadeed ee ku saleysan awoodaha sharciga ayaa waxay aheyd mid soo jireen ah, marka la galo xilli kala guur ah.

Lama oga go’aanka Xildhibaanada qaadan doonaan in kastoo la ogyahay in aysan howl qaran darteed u careeysnayn, balse waxay noqon kartaa arrin saameyn weyn yeelata, marka la eego sida Xildhibaanada uga fal celinayaan sababta xilligan loogu soo beegay xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare Mudane Ilka-Xanaf.

Guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda sare ee dalka ayaa loo magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan, kaasoo todobaadkii hore iska casilay xilkii Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo uu muddo shan sano hayay.

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Federaalka ay muddo saddex bil ah u harsan tahay watigeedi.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment