3486 Views

Bangiga horumarinta Afrika ayaa mashruucyo shaqa-abuur ah dalka ka billaabi doono

____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 6, 2016Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan la bilaabayo mashruuc cusub oo uu maal galinayo Bangiga Horumarinta Africa isla markaana shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleeyda ah

Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, iyo Warshado faro badan,kuwaas oo hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray ay adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada”ayauu sii raaciyeyhadalkiisa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadu ay qaaday talaabooyinka si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, isagoo caddeeyay in mudadii uu joogay Wasaaradda in uu ku guulaystay in Mushaar loo helo dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Waxaan heshiis la soo galnay oo soconaya mudo shan sano ah Bangiga aduunka, heshiiskaas ayaa ku qotoma in shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada la siiyo mushaar joogta ah, waxaana jira shuruudo ku xiran bixinta mushaarkaas ilaa hadana dhanka dowladdu way ka soo baxday, maamuladda goboladuna waxay ku howlan yihiin sidii loo buuxin lahaa shuruudahaas ayuu yiri

Wasiirka Maaliyadda JFS Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa ku booriyey dhalinyarada iyo dadweynaha kale in ay dalkooda aaminan, kana waantoobaan tahriibka iyo dhibaatooyinka kale ee sababi kara in ay naftooda galiyaan halista.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Xigasho SONNA

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment