3393 Views

Dowlada Uganda oo ku fekereyso inay kala baxdo ciidamadeeda dalka Soomaaliya

Dowlada Uganda oo ku fekereyso inay kala baxdo ciidamadeeda dalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 6, 2016Dowladda Uganda ayaa ka fekereysa sii joogista  ciidankeeda  dalalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe iyadoo loo saaray guddi qiimeeya sii joogista ciidamada ee labadaan dal.

Colonel Paddy Ankunda Afhayeenka ciidamada Uganda, ayaa sheegay in guddi gaar ah loo sameeyay inay ka so tala bixiyaan joogitaanka ciidamada Uganda ee labada dal, isagoo intaa raaciyay in talo soo jeedintooda ay noqon doonto mid la tixgeliyo.

Waa markii ugu horreysay ee dib u eegis lagu sameeyo hawlgalka ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya, waana markii ugu horreysay ee la soo hadal qaado in ciidanka lagala soo baxo wadamada ay ka mid tahay Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oo diiday in la shaaciyo ayaa BBC u sheegay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu sheegay diblomaasiyiin shisheeye inay suurtagal tahay in labada hawlgal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe la soo afjaro ma dow.

Ciidamada Uganda ayaa waxay gacan ka geysteen degenaanshaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo deegaano ku dhow dhow.

Intaa waxaa dheer ayada oo lagu eedeeyaa ciidamada Uganda, inay dad rayid ah ku waxyeeleeyeen dalka Soomaaliya mudadii ay joogeen iyagoo dhowaan dad rayid ah ku diley magaalooyinka Marka iyo Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose ka tirsan.

Mudadii ay joogeen ciidamada Uganda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay faraxumeyn haween Soomaaliyeed. Dagaalada ay la galeen ururka Alshabaab ciidamada Uganda ayaa la sheegay in askar badan ay ku waayeen.

Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee ka socda dalalka Afrika ee ka howlgala dalka Soomaaliya iyadoo tirade ciidamada ka jooga Soomaaliya lagu sheego inay gaareyso ila 6000 oo askari oo musharkooda ay bixiso EU.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment