3264 Views

“Ma rabo inuu dalku galo qalalaaso siyaasadeed iyo mid Dastuuri ah”

“Ma rabo inuu dalku galo qalalaaso siyaasadeed iyo mid Dastuuri ah”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 7, 2016Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf, Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare, oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa meesha ka saaray in dartiis dalka u galo qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur.

Mudane Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay inuu shaqada isaga tago oo uu ka fariisto, maadaama muddo 60-sano ku dhow uu dalka Howl u haayay.

“Dalka sharci ayuu leeyahay waa dhab, wixii sharciga yahay waa sidiisii, wax xaaraan ah anigu ma xalaaleynayo, hadaan danta dalka iyo dadka eegana aniga dhibaateyn maayo, wax aniga igu saabsan dalka uma bur burayo, Shaqo aan jecleysanayo dalka dhibaato uma imaaneyso, qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur inuu dalka ku yimaadana ma jecli”ayuu yiri Ceydiid Ilka-Xanaf.

Waxaa uu sheegay in markii uu dalka dib ugu soo laabanayay 1994 ujeedkiisa aheyd in Midnimada la xoojiyo, isla markaana wixii markaas ka dambeeyay uu qabtay xilalka Xildhibaan, Wasiir iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo shaqooyin kale.

Ceydiid Ilka-Xanaf oo ay wehliyeen Xildhibaano iyo Wasiiro ku heyb ah ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo la sheegay in markii dambe la ogoleysiiyay Ceydiid inuu aqbalo xil ka qaadista, waxaana jira is faham iyo heshiis hoose oo dhex maray labada dhinac, taasoo ugu dambeyn keentay in Ceydiid ogolaado inuu aqbalo xil ka qaadista.

Bishaan afarteedi ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf, iyadoo uu magacaabay Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Ibraahim Iidle Saleebaan oo horay u soo noqday Garyaqaankii Guud ee Maamulka Somaliland, taasoo uu ka soo tagay muddo an fogeeyn.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment