3465 Views

Maxkamad u xukuntay magdhow lacageed gabar Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah Malta

Maxkamad u xukuntay magdhow lacageed gabar Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah Malta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 7, 2016: Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa u xukuntay magdhow lacageed gabar Soomaali ah oo qaxootinimo ku joogta dalka Malta kadib markii ay tacadi kala kulantay xero qaxooti oo ay ku nooleed.

Sagal Cabdi Maxamuud ayaa Maxkamad u xukuntay magdhow gaareysa €14,500 kadib markii ay muddo badan ku jirtey nolol adag oo ay kala kulantay xero qaxooti ah oo ay ku nooleyd.

Sagal ayaa la sheegay in ay kula nooleyd xero cariiri ah lixdan ruux iyadoo xeradaa ay ku jirteyna aysan ka helin meel wanaagsan oo ay seexato,cunto wanaagsan iyo weliba meel ay ku dhaqdhaqaaqdo ama ay ku jimicsato.

Maxkamada Yurub ayaa loo sheegay in gabadhan ay doon ku soo gashay jasiirada Malta bishii May 2013 ugu dambeyntiina waxaa laga soo daayay xero ay ku xirneyd bishii September 2013.

Sagal ayaa u sheegtay maxkamada inay xerada ay ku jirtay aysan ka howlgalayn haween shaqaale ah ayna dhibaato ku qabtay ciidamada oo subax walba hurdada ka toosin jirey si ay u ogaadaan in ay joogto iyo inkale.

Maxkamada ayaa ogaatay in sida ay ku nooleyd gabadhan mudada ay ku jirtay xeradan ay ahayd mid aad ugaga hooseyso heerka ugu yare ee la aqbali karo inuu qof ku noolaado.

Haween Soomaaliyeed oo ka cararay dagaalada sokeeye ee dalka iyo qaar kale oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalkooda ayaa ku dhibaatoonaya dalal badan oo caalamka iyadoo haatan wadamadii loo cararayay ay noqdeen kuwo lagu dhibaateeyo ayna tacadiyo kala kulmaan haweenka sida ay u badanyihiin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment