3582 Views

Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha

Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 7, 2016: Qarax Bam lagu tuuray ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare geystay. Askar Boolis ah ku sugnaa nawaaxiga Masjidka Abuu Hureyra ee suuqa Bakaaraha, ayaa la sheegay in lagu tuuray Bam-gacmeed. Seddax qof oo Labo ka mid ah ay yihiin askartii Bamka lagu tuuray ayaa ku dhaawacantay, iyadoo ruuxa kale la sheegay inuu halkaasi cabitaan ku iibinayey. Qofkii Bamka tuuray ayaa baxsaday, ciidanka dowladda iyaguna waxay kor u rideen rasaas aan cidna khasaare u geysan. Qaraxayada sidan oo kale ayaa kusoo badanaya suuqa ugu weyn dalka ee Bakaaraha. Cid qaraxaas sheegatay ma jirto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment