3987 Views

XILIGA KALA GUURGA SIYAASADEED OO LAGA DAREEMAYO MUQDISHO.

____________________________________________________________________________

 

Xiliga kala guurka iyo isbedelka Siyaasadeed oo aad looga dareemayo Muqdisho.

Waxaa si xowli ah ku socda kulamada ama Shirarka ay yeelanayaan Siyaasiyiinta, Qabiilada iyo Ururada Rayidka, waxaa aad looga dareemayaa GUUXA iyo FALAQAYNT SIYAASADA Goobaha lagu Qaxweeyo oo ay Shacabka isugu yimaadaan, iyadoo la is dhaafsanayo FIGRADO kala duwan oo Dhaliil iyo Amaan leh.

Marka aad tagto Goobahaas waxaad arkaysaa inta badan in aad loo dhaliilayo waxqabadka Dowlada, iyadoo ay jiraan dad weli taageersan wax qabadka Dowlada, hadaba figradahaas oo kooban waa sidan.

Fikradaha dadka ay ku kala duwanyihiin waa kuwan.

  • Sugidda Amaanka iyo Xasiloonida.
  • Cadaalad daro iyo Garsoor Xumo ka jirto Maxkamadaha oo dhan.
  • Kobcinta dhaqaalaha iyo Wax soo saarka oo aad u Liita.
  • Caafimaadka iyo Isbitaaladii oo weli ku jira Gacan Shacab.
  • Waxbarashada oo aan weli ku jirin Gacanta Dowlada iyo Tayo la’aan.
  • Shaqo abuurka iyo Dhirigelinta Xirfadlayda.
  • Dhismaha Hay’adihii Dowlada ee Burburay.
  • Dhismaha wadooyinka Caasimada.
  • Tahriibka iyo Qaxootiga ku dhibaataysan wadamada Deriska ah.
  • Sharciga Doorashada oo ay ka muuqato CAGAJIID iyo Qilaaf badan.
  • Qabiilada qaar oo lagu Dhaliilayo Sadbursi iyo Damac badan.
  • Ciidamad Ajnabiga ah oo aan qaban Shaqadii looga baahnaa, Qarash badana uu kuboxo.
  • Hantidii QARANKA oo BOOB lagu hayo, si aan qarsoodi ahayn look ala iibsanayo.

War iyo dhamaan Shacabka waxay wal wal iyo walaac badan ka muujiyeen qaabka ay wax u socdaan, iyagoo dhaliilsan Cagajiidka Golaha SHACABKA iyo Dowlada, taasina waxay keeni doontaa in ay sii kororto Kalsooni darada ay qabaan Shacabka, Shacabku waxay aad u hadal hayaan in ay u fiicantahay in la helo isbedel Siyaasadeed, waayo waxay leeyihiin waan aragnay waqti nagu filan wax qabadka dowlada hada jirta.

Waxaa mudan in la is waydiiyo Shaqsiga ama Shaqsiyaadka ku fiican in ay keeni karaan is bedelka Siyaasadeed waa kuwee, waayo ilaa iyo hada majiraan Shaqsiyaad la hadal hayo in ay ku FIICANYIHIIN isbedelka la SAADAALINAYO, Shacabkuna waxay leeyihiin dhamaantood “waa isma dhaanto iyo dhasheed”.

Ugu dambayn horaa looyiri “Nimaad DUUGTAY ama Aastay iyo Nimaad DOORATAY dib looma arko”, waxaan sugaynaa Sharciga doorashada uu ANSIXIN doono Golaha Shacabka in uu Noqdo mid u danaynayo Shacabka iyo Dalka ama uu Noqdo mah maahdii ahayd “Gurbaan Gacalkaa ha kuuhayo ama Gacantaada ha ku jiro” oo macnaheedu yahay in ay Soo saaraan sharci ku soo celinaya kursiga mar labaad kuwa hada jooga.

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment