8844 Views

Muqdisho Oo La Keenay Qalab Lagu Maamulo Hawada Soomaaliya

Muqdisho Oo La Keenay Qalab Lagu Maamulo Hawada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 8, 2016: Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa la keenay qalab la sheegay inuu yahay qeyb ka mid ah qalabka loogu tala galay in lagu maamulo Hawada Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Xasan, ayaa qalabkaan ka keenay dalka Kenya, waxaana uu ka kooban yahay Computers iyo qalab kale oo muhiim ah. Safiir Jamaal ayaa sheegay in dhammaadka bishan uu imaan doono qalabka sheega diyaaradaha soo gala hawada iyo kan wax duuba. “Waa qalab aad u mihiim ah, waana mid inoo sahalaya inaan lasoo wareegno hawadeenna Soomaaliya, qalabka markii Seddax loo dhigo dhig ayaan keenay, waxaana soo socda Labada dhig kale” ayuu yiri Safiirka. Sidoo kale safiirka ayaa sheegay in qalabkaan keenistiisa uu gacan ka geystay urur goboleedka IGAD. Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay dib ula soo wareegto maamulka hawada dalka maadaama hadda laga maamulo Nairobi islamarkaana ay gacanta ku hayso hay’ad hoostagta Qaramada Midoobay oo sanadihi dambeyay maamulaysay.

 

Somali-AirRadar-system-170x114

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment