5076 Views

Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Faroole oo lagu casumay xuska 18-ka May ee Somaliland- Itoobiya ma ogtahay?

Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Faroole oo lagu casumay xuska 18-ka May ee Somaliland-  Itoobiya ma ogtahay?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 8, 2016: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa lagu casuumay xuska maalinta gooni isu taaga Somaliland ee 18-ka May (Gooni-Isu-Taaga).

Sida uu qoray Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa magaalada Hargeysa oo soo xiganayay Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Shariif iyo Faroole labadaba si rasmi loo gaarsiiyay martiqaadka, ayna aqbaleen.

Xubno ka tirsan Guddiga ictiraaf raadinta ayaa horay ugu bandhigay Xukuumadda Somaliland in lagu casuumo Sheekh Shariif iyo C/raxmaan faroole xuska 18-ka May, iyadoo ay aqbashay xukuumada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada mas’uul ay khudbad ka jeedin doonaan Munaasabada 18-ka May ee ka dhici doonta Xarunta Madaxtooyada Hargeysa.

Shariif iyo Faroole ayaa hada ku sugan Jabuuti, halkaasoo ay kaga qeyb galayaan Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Shariif ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ay isugu dambeysay sanadkii 2012, xilligaasoo ay ku kulmeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Faroole ayaa bishii July ee sanadkii hore 2015 u tagay magaalada Hargeysa arrimo tacsi ah, kadib geeridii xaaskiisa oo ka soo jeeday Hargeysa.

Madaxweynihii Shariif Sheekh Axmed oo bilaabay wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ayay noqon doontaa markii u horeysay ee uu tago Hargeysa.

Somaliland ayaa wali helin wax aqoonsi ah, waxaana deegaanada ka jiran amni iyo kala dambeyn oo ay ammaan badan ku muteysteen, 25 sano ayaa ka soo wareegatay markii ay ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Waa markii u horeysay ee Siyaasiyiin horay xilal uga qabtay Soomaaliya oo Somaliland ay sheegtay inay ka go’day, lagu casuumo xuska 18-ka May oo sanadka.

Ila hadda lama garanayo ujeeda ka dambeeysa casuumaadda labadaan mas’uul, balse waxaa la hadal hayaa in Somaliland ay doonayso in Somalia ku waarto dagaalka siyaasadeed ee hadda ka dhax socda. Waxaa kale ee dad qaar sheegayaan in Casumaadaan ay ka dambayso Dowlada Itoobiya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment