2661 Views

Uganda oo beenisay in ay ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya.

Uganda oo beenisay in ay ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 8, 2016: Dowladda Uganda ayaa beenisay wararka sheegaya inay la baxayso ciidankeeda ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo qeybta ka ah howl galka AMISOM.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddu Ankunda ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid xaqiiqda ka fog, isla markaana aysan jirin tallaabo ay dowladda Uganda ugala baxeyso ciidamadeeda Soomaaliya jooga hadda.

“Warka la sheegay in la iga soo xigtay ee ah Ciidamada Uganda Soomaaliya waa laga saarayaa waa been aan raad laheyn”ayuu yiri Paddy Ankunda oo intaa ku daray in Uganda ay dib u eegis ku sameyneyso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Paddy Ankunda ayaa dhowaan bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dowladda Uganda ay dib u eegis ku sameyneyso Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya iyo Africada dhexe.

Uganda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya illaa lix kun oo askari, wuxuna uu ahaa dalkii u horeeyay ee Ciidan keenay Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment