3069 Views

Guddi loo saaray doorashooyinka oo wax ka bedel ku sameeyay qodobada qaar

Guddi loo saaray doorashooyinka oo wax ka bedel ku sameeyay qodobada qaar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 9, 2016: Ayada oo dhowaan Guddoonka Baarlamaanka uu guddi hoosaad u saaray qorshihii guud ee hanaanka doorashooyinka ee Xukuumadda u soo gudbisay Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegay in Guddigan uu wax ka bedel ku sameeyay qaar ka mid ahaa qodobada doorashada 2016ka.

Guddigan oo ka kooban 21 xildhibaan iyo shan xubnood oo ka tirsanaa Baarlamaanadii hore ayaa shirar gaar gaar ah ku lahaa xarunta Villa Hargeysa, halkaasoo ay kaga doodayeen qodobada ugu muhiimsan doorashooyinka soo socda.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamed ayaa sheegay in guddi hoosaadkan uu Guddoomiye u yahay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka uu yahay guddi mug weyn leh, isla markaana ay rajeynayaan waxyaabaha ay soo saaraan ku qanci doonaan Baarlamaanka

Qorshe doorashooyinka ee Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid u gudbiyay Baarlamaanka 30kii bishii hore ayay Xildhibaanada Baarlamaanka badankood saluugeen qodobada qaar oo loo arko mid awood siinaya Madaxda dowladda iyo kuwa Gobolada oo la rumeysan yahay inay musharaxiin yihiin.

Warar qaar ayaa sheegaya in illaa lix qodob oo ka mid ahaa hanaanka doorashada ay Xildhibaanada wax ka bedeleen, waxaana lagu wadaa in qodobada wax ka bedelka ku sameeyeen la hor-keeno Baarlamaanka, si loo ansixiyo.

Madaxda Madasha wadatashiga qaran ayaa 12-kii bishii April ku saxiixay Muqdisho heshiis doorasho, waxaana qodobada qaar ka mid ahaa in la soo xulo labo aqal Baarlamaan oo ah aqalka sare iyo aqalka hoose, waxaana aqalka hoose soo xulaya xildhibaankiiba 50-xubnood.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment