4296 Views

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridii marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridii marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 9 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle .

Marxuumka oo xaley ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ah ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka, marna ahaa siyaasi iyo hawlwadeen xilal ka soo qabtey dowladdi hore ee milatariga.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle. Waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment