6024 Views

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Xarunta ciidanka Taraafikada ee Muqdisho

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Xarunta ciidanka Taraafikada ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 9, 2016: Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Xarunta Taraafikada Booliska ee degmada C/casiis, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas culus.

Qaraxa ayaa dhacay abaarihii 7-da subaxnimo oo qadar toban daqiiqo la’, waxaana Uuro iyo qiic cirka isku shareeray laga arkayay meelo fog fog.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhiftay afaafka hore ee xarunta Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafiko.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, isagoo xusay in ciidamada ay toogteen qof hubeysnaa oo qaraxa kadib doonayay in gudaha xarunta uu galo.

Ugu yaraan saddex ka tirsan Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo uu isa soo tarayo khasaaraha uu geystay qaraxa.

 

20160509_081643-1024x616 (1)20160509_081916-1024x61620160509_081922-1024x616

20160509_081951-1024x616 (1)

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment