3525 Views

Shirweynaha Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo maalintii 6aad galay

Shirweynaha Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo maalintii 6aad galay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 9, 2016: Muqdisho waxaa weli ka socda shirweynaha Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ ay kaga arrinsanayaan aayahooda, iyadoo lagu wado inay dhowaan doortaan Hogaan ay u dhan yihiin, kadib muddo uu ururka ku jiray jahwareer iyo garabyo iska soo horjeeday.

Shirweynaha ayaa maanta iyo shalay looga dooday dastuurka Ururka NUSOJ oo dib u eegis iyo wax ka bedel lagu sameeyay qodobada qaar, waxaana ergada ay aad u riyaaqeen sharciyada ururka iyo inuu noqdo mid la mid ah sharciyada Ururada saxaafada Caalamka lagu maamulo.

Xubnaha Ergada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ansixiyaan Dastuurka ururka, iyadoo iska dhex dooran doona Guddi doorasho, kaasoo qaban qaabiya doorashada hogaanka NUSOJ.

Labo musharax ayaa illaa iyo hada u taagan doorashada Xoghayaha Guud ee NUSOJ, waxaana ay kala yihiin wariyaha rug cadaaga ah Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Cali Baashi.

Guddiga bad baadada suxufiyiinta NUSOJ oo muddo bilooyin ah ku howlanaa soo afjarida khilaafka muddo ka taagnaa hogaanka Ururka ayaa waxaa uu ku guuleystay inuu isu keeno Ergooyin ka socota Warbaahinta ka howl gasha gobolada dalka oo dhan.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga bad baadada Saxaafiyiinta ayaa sheegay in shirweynaha qaran ee lagu dooranayo hogaanka NUSOJ ay ka soo qeyb galeen ergooyin kala socota Jubbaland, Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ergooyin ka socda Warbaahinta Puntland ayaa manta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasoo ah horu dhac, waxaana ay ku biireen ergooyinka shirweynaha qaran u socda,

Axmed Cumar Saalixi oo ku hadlayay ergada ka timid gobolada Koofureed ayaa soo dhoweeyay imaanshaha ergada ka socota Puntland, isagoo ka codsaday in si walaaltinimo ku jirta ay kala qeyb qaataan masiirka ururka NUSOJ iyo helista hogaan loo dhan yahay.

Burhaan Dahir oo ahaa Guddoomiyihii NUSOJ oo ka mid ah ergada Puntland ka timid ayaa cudur daar ka bixiyay dib u dhacooda, isagoo ku tilmaamay duruufooyin kala duwan, waxaana uu xusay inay waqti ka qaadatay sidii ay u dhameyn lahaayeen kala aragti duwanaan jirtay, isagoo ka taalli geliyay ergada ka timid Gobolada dalka.

Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan howsha socota iyo halka ay mareyso, waxaana uga mahad celiyay ergada dulqaadka ay sameeyeen iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen sida uu yiri.

Maxamed Deeq Barre Fiyoore oo ka mid ah xubnaha ururka ayaa ugu baaqay ergooyinka inay muujiyaan dulqaad, isla markaana loo dhabar adeego inta hartay howsha, waxaana uu tilmaamay in aan la baylihin dadaalkii la soo waday.

Ugu dambeyn C/llaahi Xirsi ayaa sheegay inay shirweynaha uu guul ku dhow yahay, maadaama ay soo gaareen caasimada Muqdisho ergadii ka socotay Puntland oo wada jira.

suxufinta-9suxufinta-7

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment