7434 Views

Baar cusub, casri ah oo laga heli karo cunta carbeed

Baar cusub, casri ah oo laga heli karo cunta carbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 10, 2016: Magaalada Muqdisho ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhayay xarumo ganacsi oo ay dadku ka heli karaan waxyaabaha muhiimka u ah nolosha dadka,waxana ka mid ah xarumahaas baarar lagu heli karo cuntooyin kala duwan.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu daahfuray Baar ama Maqaayad oo laga heli karo cunooyinka kala duwan ee aadka loo jecel yahay, waxaana maqaayadan cusub ee la furay loogu magac daray Xadrami Mandi .

Munaasabada lagu qabtay xarunta ay Maqaayadaasi kutaala ayaa lagu soo bandhigay cunooyinka kala duwan ee maqaayadaasi laga heli karo sida ,Hilibka Digaaga oo nuucyo kala duwan loo sameeyay, Malayga, Hilibka Ariga, Geella iyo cunooyin kala duwan oo badan.

Maamulka Maqaayadan cusub ee Xadrami Mandi ayaa sheegay in macaamiisha u diyaariyeen adeeg hufan ay ka raali noqon karaan, waxaana maqaayadan ka howlgalaya ajaaniib iyo Soomaali si si wanaagsan u taqaana karinta cunooyin kala duwan, maqaayadan ayaa sidoo kale laga heli karaa cuntada carabta aadka u jeceshahay, sida Fuul iyo Maluuhkiya.

Maqaayada Xadrami Mandi ayaa kutaala Laamiga Maka Al-Mukarama gaar ahaan waxa ay dhinaca ku haysaa Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, waxaana Maqaayadan ay kamid noqoneysa Maqaayadaha casriga ah ee laga furay magaalada Muqdisho sanadihi dambe.bar-xadra-2bar-xadra-3bar-xadra-4 (1)bar-xadra-6bar-xadra-7

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment