5805 Views

Dowlada oo shaacisay in Shaqaale loo qadayo Sacuudiga

Dowlada oo shaacisay in Shaqaale loo qadayo Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 10, 2016: Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bilaabjda diiwaan gelinta shaqaale Soomaaliyeed oo loo dirayo dalka Sacuudi Carabiya.

Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku xigeenka wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shirkado Soomaaliyeed loo fasaxay bilaabista diyaarintii shaqaalaha loo qaadayo dalka Sucuudiga.

Wuxuu intaasi raaciyay in dufcadda ugu horeysa ay noqon doonto tiro dhan Laba kun oo shaqaale ah oo ka kooban caafimaadka, xoogsatada, wadayaal iyo qeybaha kale ee shaqooyinka.

“Waxaan ka helnay dowlada Sacudi Carabiya in shaqo ay siiso sanad walba shaqaale isugu jira rag iyo dumar oo gaaraya konton kun oo ruux.”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.

Qaadista shaqaalahan ayaa fursad u ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu heyso, islamarkaasna u hanqal taageeysa iney naftooda ku biimeeyaan tahriib ama ka mid noqoshada argagixisada.

Waa markii ugu horeysay tan iyo dowladii hore ee shaqaale si sharciyeysan ay ugaga dhoofaan dalka Soomaaliya waxana uu wasiir ku xigeenku uu sheegay in ay jirto rajo ah in dalka Qadar ay bilaabi doonto inay ka qaadato shaqaale dalka Soomaaliya.

Horay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya uga codsatay Boqortooyada Sucuudiga iney inay bulshada Soomaaliyeed siiso fursado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda iyo tan qoysaskooda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment