3402 Views

“Meelo Shabaab nabad ku deganaan jireen, ayay maanta nabad ku seexan karin”

“Meelo Shabaab nabad ku deganaan jireen, ayay maanta nabad ku seexan karin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 10, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo cadeeyay in ciidamada dowladda, AMISOM iyo dalalka taageera ay ku jebiyeen Shabaab furimaha dagaalka inta badan.

“Dagaalka Shabaab waa socdaa, horumar badan ayaana laga sameeyay, meelo aan la gaarin 10-kii sano Shabaab jireen ayuu maanta gaaray, meelo Shabaab ay nabad ku degenaan jireen ayaanay maanta nabad ku deganeyn, caawana aanay kalsooni ku seexaneyn, waxaana sababay ciidankeena qalabka sida, AMISOM iyo saaxibo kale oo na taageeraya”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hal aag oo ciidan kaliya uu ku furneyn Al-Shabaab, balse ay jiraan aaggag kale, isagoo xusay in dowladdu xooga saareyso sidii Dhalinyarada la qalday dib looga soo celin lahaa, nolol ka wanaagsan tan Shabaab heli-doonaan sida uu yiri.

“Hal aag oo ciidan ma ahan, aaggag badan ayuu dagaalka Shabaab leeyahay, aaga labaad waa dhalinyarada, dowladda waxay xooga saareysaa sidii dhalinyarada Shabaab ay qaldeen looga soo celin lahaa, dalkaan ayaa dalkooda ah, dal kale ma lahan, kuwa Shabaab aaday waa ka soo celineynaa, kuwo raba inay aadaan wado kale ayaa u sameyneynaa oo loogu abuurayo nolol ka duwan tan shabaab”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in muhiimada dowladda uu yahay sidii sanadaha soo socda dhalinyarada loo jiheyn lahaa, isla markaana loo siin lahaa awood ay nolol wanaagsan ku raadsan lahaayeen sida uu yiri.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha shalay ka jeediyay Munaasabada maalinta Midowga Yurub oo ka dhacday Xarunta Xalane, halkaasoo Xarun ay ku leeyihiin Midowga Yurub iyo Safaarado kale oo reer Galbeed ah.

Dadka ku xeel dheer arrimaha milateriga ayaa sheegaya in aan wali Al-Shabaab looga adkaan dagaalka safka hore, isla markaana ay qatar ku yihiin dowladda Federaalka iyo saaxibadooda Beesha Caalamka, Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay bedelay xeeladahooda dagaalka, waxaana ay cagta mariyeen saldhigyo ciidan ay lahaayeen ciidamada dowladda iyo AMISOM, in kastoo aynan ku raagin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment